HomeWararSawirro:-Qabanqaabada soo dhaweynta RW Kheyre oo ka socota Baydhabo

Sawirro:-Qabanqaabada soo dhaweynta RW Kheyre oo ka socota Baydhabo

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socota Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku wajahan  halkaas. Garoonka kubbadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan boqolaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed,kuwaasi oo isugu diyaarinaya soo […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socota Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku wajahan  halkaas.

Garoonka kubbadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan boqolaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed,kuwaasi oo isugu diyaarinaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi hogaaminayo oo saacadaha soo socda tagaya Baydhabo.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Xasan Cali Kheyre u tegayo Baydhabo ay tahay Arrimo kala duwan oo ay uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

Ugaas xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay u diyaar garooweyn soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee degaannadaasi.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanya siweyn loo adkeeyay,waxaana heegan buuxa la geliyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed,kuwaasi oo si wadajir ah isaga kaashanaya amniga Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories