HomeWararSawirro:-Axmed Karaash oo la kulmay Guddiyada Maalgashiga iyo Aminga Puntland

Sawirro:-Axmed Karaash oo la kulmay Guddiyada Maalgashiga iyo Aminga Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda PISA Cabdiqafaar Yaasiin Faarax. Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda PISA Cabdiqafaar Yaasiin Faarax.

Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Guddiga Aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

- Advertisement -

“Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga, shirkaas waxaa Shir-guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba”.

“Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts