HomeWararSawirro:- Ra'iisul Wasaare Kheyre oo baaq u diray ergooyinka Shirka Dib u...

Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo baaq u diray ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado.

“Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories