HomeWararSawirro:- RW Kheyre oo kor meeray Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Dhuusa...

Sawirro:- RW Kheyre oo kor meeray Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Dhuusa Mareeb

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay. Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories