HomeWararSawirro:- Kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

Sawirro:- Kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada Jubbaland. Ugu horayn Waxaa golahu uu tageeray dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha ee ay xalka kaga gaartay tabashooyinkii ka dhashay Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan dhacay iyagoo soo dhaweeyay in wax walba oo tabashooyinka ah lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada Jubbaland.

Ugu horayn Waxaa golahu uu tageeray dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha ee ay xalka kaga gaartay tabashooyinkii ka dhashay Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan dhacay iyagoo soo dhaweeyay in wax walba oo tabashooyinka ah lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa golahu uu cambaareeyay xadhiga Sharci darada ah ee Dowlada Federaalka ah ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyadoo bilo kahor ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay waxaa golahu uu sheegay in cawaaqibka ka dhasha Falkaas sharciga ka fog ay masuuliyadiisa qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Waxaa kale oo golahu uu ka hadlay Xayiraada dhinaca duulimaadyada shacabka ah ee Dowlada Federaalku kusoo rogtay dadka ree Jubbaland waxaana howshaas iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood iyadoo gudigan la faray in ay xal rasmi ah ay yimaadaan oo culayska lagaga qaadayo dadka shacabka ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories