HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo hambalyeeyay guusha Xulka Somalia ka gaaray Zimbabwe

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyeeyay guusha Xulka Somalia ka gaaray Zimbabwe

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa Hambalyeeyey guusha Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya uu ka gaaray Xulka Qaranka Zimbabwe. Madaxweyne Farmaajo”Hambalyo ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe ciyaar isreebreeb ah oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Ciyaarta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa Hambalyeeyey guusha Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya uu ka gaaray Xulka Qaranka Zimbabwe.

Madaxweyne Farmaajo”Hambalyo ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe ciyaar isreebreeb ah oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo dhiggooda Zimbabwe oo aheyd mid aad u wanaagsan ayaa ka dhacday Garoonka Ciyaaraha dalka Jabuuti,iyadoona qeybta hore ay kusoo dhammaatay barbardhac 0-0.

Sidoo kale markii dib la isugu soo laabtay Ciyaarta ayaa daqiiqadii 87-aad dalka Soomaaliya u suuragashay inuu helo Gool,iyadoona Ciyaarta kusoo dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya.

Anwar Shakunda ayaa ah Ciyaariyahanka Xulka Soomaaliya Goolka u dhaliyay.

- Advertisement -

Dhinaca kale dalka Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad la ciyaari doona Zimbabwe 8-da Bishan oo ku beegan Axada soo socota.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories