HomeWararKoonfur Galbeed oo u diyaar garooweysa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre

Koonfur Galbeed oo u diyaar garooweysa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhacay Caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo. Shirka oo uu Guddoominayay Madaxweynaha KG, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga iyo qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka oo lagu wado in […]

- Advertisement -

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhacay Caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo.

Shirka oo uu Guddoominayay Madaxweynaha KG, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga iyo qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka oo lagu wado in uu Maalmaha soo socda halkaasi booqdo.

- Advertisement -

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Isaag Cali Subag, ayaa ugu horrey laga dhageystay warbixin ku aaddan nabad gelyada guud ee Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegey in Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta ee maamulkaasi ay wadaan howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ugaas xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa isna ka hadlay halka ay marayso qaban-qaabada loogu jiro soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu Baydhabo booqdo marka uu soo xirmo shirka haatan ka soconaya magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee degaannadaasi.

- Advertisement -

Amniga Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo halkaasi laga dareemayo qaban-qaabada iyo diyaar garoowga xooggan ee loogu jiro imaanshaha Ra’iisul wasaaraha Dalka, mudane; Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmaha soo socdo lagu wado in uu halkaasi gaaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories