HomeWararGuddoonka Golaha Shacabka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta Galmudug

Guddoonka Golaha Shacabka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddoonka Golaha Shacabka JFS ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug ayadoo guddoonku uu dadka reer Galmudug ugu baaqay iney nabadooda ilaashadaan  . Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya […]

- Advertisement -

Guddoonka Golaha Shacabka JFS ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug ayadoo guddoonku uu dadka reer Galmudug ugu baaqay iney nabadooda ilaashadaan  .

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu bogaadinayo dadaallada dib u heshiisiinta gaar ahaanna dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu heshiisiiyey beelaha walaalaha ee Xeraale iyo Huurshe.

- Advertisement -

“Waxaa aad iyo aad farxad noo ah oo aan Dowladda Federaalka ee Ra’iisul wasaaraha ugu horeeyo aan ku  bogaadinayo ugana mahad celinayo heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Xeraale iyo Huurshe, waxaan sidoo kale Madaxweynaha iyo odayaasha Dhaqanka uga mahad celinayaa xabad joojintii afar bilood ka hor la dhex dhigay dhinacyadaas walaalaha ah “ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cawad.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa si guud u bogaadiyey dadaallada lagu dhisayo Galmudug isaga oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ku ammaanay waqtiga uu geliyey dhismaha maamulka loo dhan yahay ee Galmudug oo uu sheegay in uu rajeynayo in uu kasoo baxo maamul samatabixin kara Galmudug , sidoo kalena waxa uu bogaadiyey guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug iney gacan weyn ka geystaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhismaha dowlad Goboleed loo dhan yahay oo ay reer Galmudug yeeshaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories