HomeWararTaabid Cabdi oo ka hadlay dhibaatada heysata Soomaalida K/Afrika Baaqna u diray...

Taabid Cabdi oo ka hadlay dhibaatada heysata Soomaalida K/Afrika Baaqna u diray Madaxda Dowladda

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed. Taabid Cabdi ayaa sheegay in boobka iyo dialka lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Taabid Cabdi ayaa sheegay in boobka iyo dialka lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika uusan aheyn mid indhaha laga qarsan karo,isla markaana looga baahan yahay in wax laga qabto.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Madaxda dowladda Sooomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato tacadiyada joogtada ah ee lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika.

Hoos ka Akhriso War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Taabid Cabdi.

Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin.

- Advertisement -

Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa.

Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika.

Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories