HomeWararSoomaaliya oo xubin ka noqotay Guddi fulin heer Caalami ah

Soomaaliya oo xubin ka noqotay Guddi fulin heer Caalami ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim ayaa Magaalada Bangaluru ee dalka Hindiya uga qeyb galay Shirka Hay’adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed. Inta uu socday Shirkaas ayaa […]

- Advertisement -

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim ayaa Magaalada Bangaluru ee dalka Hindiya uga qeyb galay Shirka Hay’adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed.

Inta uu socday Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee Ururka Hay’addaha Doorashooyinka Adduunka.

- Advertisement -

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa looga hadlay Guusha Guddigu ay ka gaareen Shirka Bangaluru India.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Guddiga.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka.

- Advertisement -

Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan ugu gol leeyahay in codka Soomaaliyeed gaarsiiyo daafaha caalamka, hay;adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarkaas caalamiga ah.

Haddaba iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayuu GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim waxay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen Bangaluru India, shirkan oo socon doono inta u dhaxeysa 2-3-4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya.

Intii uu shirku socdey waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka.

Arrinkan oo ah mid lagu farxo ayaa yimid ka dib markii waftiga Somalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirkan isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed ee Somaaliya ka jira.

Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed mid khibrad ka helaan Guddiyada la midka ah.

A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories