HomeWararShirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo Maanta ka furmaya Dhuusamareeb

Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo Maanta ka furmaya Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan Ergooyin kala duwan oo ka kala socota beelaha dega deegaanada Galmudug,isla markaana reer Galmudug  ay uga tashan doonaan aayahooda. Sidoo kale inta uu socdo Shirka […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan Ergooyin kala duwan oo ka kala socota beelaha dega deegaanada Galmudug,isla markaana reer Galmudug  ay uga tashan doonaan aayahooda.

- Advertisement -

Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa waxaa dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyn doonaa beelaha deegaanada Galmudug,isla markaana waxaa markii uu soo dhamaado Shirka laguda geli doonaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu furayo Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa  saakay ka socota Magaalada Dhuusamareeb sida uu soo sheegayo Warbaahinta Dalsan ee halkaas ku sugan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Maanta si wadajir Magaalada Dhuusamareeb uga daahfuri doona Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee loo yaqaano harmacad iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories