HomeWararSawirro:-Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddi saddex geesood ah

Sawirro:-Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddi saddex geesood ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO. Dhismaha guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiirka Sadiiq Warfaa ayaa […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO.

Dhismaha guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiirka Sadiiq Warfaa ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso guddigan, waxaana kullanka maanta ka qaybgalay dowladda federaalka, dowlad-gobolleedyada dalka, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo matalayay Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysay loo shaqeeyaha.

- Advertisement -

Madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ayaa ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay fulisay mabaa’didda ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, wuxuuna ku ammaanay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada dowladda federaalka Soomaaliya in uu ku guuleystay inuu isku keenay guddiga saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay tallabadan inay billow u tahay shaqo abuur xoog leh oo dalka laga sameeyo.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), Cumar Faaruq Cismaan ayaa caddeeyay inay maanta u tahay Soomaaliya maalin weyn, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa dadaallada uu galiyay isu keenida iyo dhisida guddigan saddex geesoodka qaran iyo qabsoomida kullanka koowaad ee guddiga.

Cabdi Abshir Dhoore, agaasimaha maamulka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kullanka guddiga saddex geesoodka qaran, wuxuuna tilmaamay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada socda ee Shaqada.

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku tilmaamay kullanka mid taariikhi u ah Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahanyahay shaqo abuur tayo leh iyo in la difaaco xuquuqda shaqaalaha ,iyada oo doorka ay qaadanayaan guddiga saddex geesoodka qaran.

“Dadaal dheer iyo waqti badan ayay qaadatay in aan guddigan seddax geesoodka ah dhisno oo aan kullankan uu qabsoomo, wuxuu billlow wanaagsan u yahay in la horumariyo barnaamijka kobcinta dhaqaalaha oo sahal u ah shaqo abuurka iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ILO xubin ka ah uu sameeyo guddiga qaran ee saddex geesoodka ah,” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq Warfaa.

Guddiga saddex geesoodka qaran wuxuu sahlaya in la dedejiyo shaqo abuurka iyo siyaasadda horumarinta shaqaalaha,iyada oo la waafajinayo sharuucda dalka ,siyaasadda dowladda iyo qawaaninta caalamiga ah ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories