HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isku keenay Beelo Saddex sano dagaalamayay

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isku keenay Beelo Saddex sano dagaalamayay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay odayaal iyo wax-garad ka socda deegaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda sedax sano ah ay u dhexeysay colaad dhiig badan uu ku daatay. Kulanka oo goob joog ay ka ahaayeen xildhibaannada deegaannadaas ku metela dowladda dhexe, ayaa qayb ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay odayaal iyo wax-garad ka socda deegaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda sedax sano ah ay u dhexeysay colaad dhiig badan uu ku daatay.

Kulanka oo goob joog ay ka ahaayeen xildhibaannada deegaannadaas ku metela dowladda dhexe, ayaa qayb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan oo socdaal uu ku tegay Huurshe iyo Xeraale uuna labada dhinac kala hadlay soo af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo nabadeed.

- Advertisement -

Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka hagar la’aaneed, waxa ayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta deeganka iyo bulsha si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta dadaallada nabadda iyo horumarka iygana laga doonayo in ay dowrkooda nabaddoonnimo qaataan oo daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka dadka iyo deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qayb ka qaadanaya wadajirka iyo isdhex galka bulshada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories