HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo fariin u diray Madaxda dowladda Federaalka

C/raxmaan C/Shakuur oo fariin u diray Madaxda dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed. C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh Koonfur Afrika ee hantiyooda […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh Koonfur Afrika ee hantiyooda lagu boobayo halkaas ay u baahan yihiin heer Qaran.

- Advertisement -

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ugu baaqay inay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku heysta dalka Koonfur Afrika.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xadgudubka dilka iyo dhaca isugu jira loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika waxay u baahan yihiin hiil qaran. Dawladaha dhibka loo geystay muwaadiniintooda way ka falceliyeen. Wadamada qaar madaxdooda ayaa toos isugu xilqaamay, halka kuwo kale na ay ergooyin gaar ah u direen dalka K. Afrika. Madaxda dawlada federaalka ah waxaan ka doonaynaa in ay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka haysta muwaadiniinteena ku nool Koonfur Afrika”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur

Halkan Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maalmihii la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika ay ka socdeen Banaanbaxyo iyo boob xoogan oo loo geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ee halkaas ku nool iyo qaar kamid ah kuwa Soomaalida.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories