HomeWararXildhibaanada Jubbaland oo kulan ka yeeshay Go’aankii DFS iyo Xariga Wasiir Janan

Xildhibaanada Jubbaland oo kulan ka yeeshay Go’aankii DFS iyo Xariga Wasiir Janan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland. Kulanka Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaa looga dooday Go’aankii dhawaan dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa sheegay in xayiraadii dowladda saartay Jubbaland […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaa looga dooday Go’aankii dhawaan dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa sheegay in xayiraadii dowladda saartay Jubbaland ay dhibaato ka soo gaartay dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada, maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa.

Sidoo kale Baarlamaanka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo,si dadka ay u helaan waxkasto ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale Xildhibaanada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay Xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,kaasi oo laga qabtay Garoonka Aadan Cadde xili uu ku wajahnaa Addis Ababa.

- Advertisement -

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha u socda iyo kuwa ka yimaada Magaalada Kismaayo inay soo marayaan Garoonka Aadan Cadde,isla markaana Muqdisho ku xirtay Wasiirka amniga Jubbaland,kaasi oo lagi eedeeyay inuu geystay xadgudub ka dhan ah Bani’aadaminada oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories