HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta kulamo ka bilaabaya Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta kulamo ka bilaabaya Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kherye oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa uu halkaas ka bilaabi doonaa kulamo kala duwa. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doona Ergada ka qeyb galeysa Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug,kuwaasi oo isaga kala yimid deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galmudug. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kherye oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa uu halkaas ka bilaabi doonaa kulamo kala duwa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doona Ergada ka qeyb galeysa Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug,kuwaasi oo isaga kala yimid deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ergada kala hadli doona sidii beelaha dega Galmudug loogu sameeyn lahaa dib u heshiisiin dhab ah,isla markaana si wadajir ah loo dhiso Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu wadaa in kulan uu la qaato Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca,isagoo kala hadli doona arrimo kal duwan.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta Berri ah uu si rasmi ah uga furmo Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,waxaana daahfuri doona  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo Shirka looga tashanayo aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

- Advertisement -

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay mid aad loo adkeeyay,waxaana si wadajir ah u wada sugaya Ciidanka dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories