HomeWararMadaxtooyada Somalia iyo Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Madaxtooyada Somalia iyo Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kala hadlay Madax ka socotay Bangiga Adduunka xal u helista dhibatooyinka biyo yaraanta iyo fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee mara dalkeenna. Agaasimaha ayaa tilmaamay in wabiyadan ay muhiim u yihiin nolasha dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ku tiirsan yihiin beeraha soo-saara dalagyada aasaasiga ah, taas oo ay […]

- Advertisement -

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kala hadlay Madax ka socotay Bangiga Adduunka xal u helista dhibatooyinka biyo yaraanta iyo fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee mara dalkeenna.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in wabiyadan ay muhiim u yihiin nolasha dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ku tiirsan yihiin beeraha soo-saara dalagyada aasaasiga ah, taas oo ay tahay in dowladdu ay siiso ka warqabkooda mudnaan gaar ah.

- Advertisement -

Kulanka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Madaxtooyada Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo afar ah kuwaas oo hordhigay Bangiga Adduunka qorshe ku wajahan in iskaashi dhow arrinkan lagala yeesho Dowladaha dariska ah ee aan wabi-wadaagga nahay iyo in la dardar geliyo daraasadaha ku aaddan caqabadaha wabiyada dalka iyada oo la tixraacayo heshiisyada caalimaga ah ee ku saabsan wadaagga biyaha wabiyada.

Dhankooda, Madaxda ka socotay Bangigaga Adduunka ayaa ballan qaaday in ay ku garab siinayaan xeeldheerayaasha Soomaaliyeed diyaarinta daraasadaha la xiriira caqabadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, in lagala shaqaynayo in ay soo qiimeeyaan xaaladaha dalalka caalamka ee wada dheefsada wabiyada, si ay hormuud ugu noqdaan dadaallada sharci iyo siyaasadeed ee dowladdu laga rabo in ay ku ilaaliso saamiga dalka ee biyaha wabiyada.

Saraakiisha Bangiga Adduunka ee uu la kulmay Agaasimaha Madaxtooyadu ayaa waxaa ka mid ahaa U-qeybsanaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mudane Hugh Riddle, Khabiirro Sare oo dhanka Biyaha iyo Nadaafadda Mudane William Rex iyo Tesfate Bekalu.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories