HomeWararKenya oo Codsatay in Garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhageysiga kiiska Badda...

Kenya oo Codsatay in Garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhageysiga kiiska Badda ee ICJ

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagidoonaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ oo ku taalla dalkan Holland,iyadoo lagu wado inay dib uga bilaabato dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya,iyadoo Codsatay in dhageysiga kiiska Badda […]

- Advertisement -

Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagidoonaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ oo ku taalla dalkan Holland,iyadoo lagu wado inay dib uga bilaabato dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya,iyadoo Codsatay in dhageysiga kiiska Badda laga saaro Garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ,isla markaana ah Nin Soomaali.

- Advertisement -

Hay’add la magac baxay PAF oo sheegtay inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayna Madax ka yihiin dad Kenyan ah ayaa Xustay in Kenya ay dooneyso in  Garsoore Cabdi Qawi laga reebo dhegeysiga kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale Hay’adda PAF oo uu Guddoomiye uu ka yahay David Matsanga,isla markaana u dhashay Kenya ayaa waxaa uu sheegay Cabdi Qawi uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska Badda ee labada dal ayna  niyaddiisu la jirto Soomaaliya,sidoo kalena dhowr jeer oo hore fargaaro uga  sheegay in uu jecel yahay Somalia.

Ugu dambeyntii Guddoomiye David Matsanga ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan badda ee horyaalla Maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.

- Advertisement -

Si kastaba 9-ka Bishan September ayaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ waxaa dib uga bilaaban doonta dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories