HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo-Burte ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dadka deegaanka Buulo-Burte oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markana ay maqlayeen jugta rasaas […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo-Burte ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dadka deegaanka Buulo-Burte oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markana ay maqlayeen jugta rasaas culus.

- Advertisement -

Sidoo kale Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan,wallow markii dambe uu istaagay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala labada dhinac,In kastoo aan si rasmi ah oo ogeyn,maadaama xili habeen ah ay aheyd.

Maamulka Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan oo aan xiriiro kala duwan la sameeynay si aan wax weeydiino dagaalka ayaa ka gaabsaday in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan.

- Advertisement -

Si kastaba dagaalkaan ka dhacay Degmada Buulo-Burte ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo shalay dagaalkan u dhexeeyay Ciidanka Hirshabeelle iyo Al-shabaab uu ka dhacay Degmada Jalalaqsi,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in halkaas ay ku dileen 5  Askari oo ka tirsan Ciidanka Hirshabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories