HomeWararXasan Sheekh “Ra’yiga Sanbaloolshe ee qabaa’ilka kama turjumeyso Mabaa’diida Xisbiga UPD”

Xasan Sheekh “Ra’yiga Sanbaloolshe ee qabaa’ilka kama turjumeyso Mabaa’diida Xisbiga UPD”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay hal ka soo yeeray Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Hadalka ka soo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan Xisbiga UPD,kaasi oo dhaliyay Muran ayaa waxaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay hal ka soo yeeray Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Hadalka ka soo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan Xisbiga UPD,kaasi oo dhaliyay Muran ayaa waxaa uu uga hadlay siyaasadda qabaliga ah ee ku dhisan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in aragtida uu qabo Cabdullaahi Sanbaloolshe ay tahay mid isaga u gaar ah,isla markaana aan ka turjumeyn mabaa’diida Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu isaga ka tirsan yahay.

Warka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu u qornaa sidan:-

“Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

- Advertisement -

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories