HomeWararWaxgaradka Cadaado oo Go’aan ka soo saaray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Waxgaradka Cadaado oo Go’aan ka soo saaray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa Shir ku yeeshay Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka reer Cadaado,iyadoo kulanka kadib soo saaray Go’aan ku aadan Shirka lagu wado inuu ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb. War-saxaafadeed ka soo baxay Waxgaradka Cadaado ayaa waxaa lagu sheegay in cid ka wakiil ah aysan u dirsan Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana uga qeyb […]

- Advertisement -

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa Shir ku yeeshay Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka reer Cadaado,iyadoo kulanka kadib soo saaray Go’aan ku aadan Shirka lagu wado inuu ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waxgaradka Cadaado ayaa waxaa lagu sheegay in cid ka wakiil ah aysan u dirsan Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana uga qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo qorshihiisa ay wado dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Odayaasha Cadaado ayaa sheegay in shirkaas aysa ka qeyb geli doonin ilaa iyo inta laga xalinyo Cabasho ay qabaan,iyagoona Caddeeyay in shirkaas aysan uga maqneyn tabasho ay u qabaan Beelaha degan deegaanada Galmudug.

Warka soo baxay Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqan reer Cadaado ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo shalay Magaalada Dhuusamareeb ay gaareen Ergado ka socota Cadaado,isla markaana la sheegay in beelaha dega halkaas ay ku matali doonaan Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo ay Gogashiisa taallo Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhowaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono Maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories