HomeWararSomaliland oo ka hortimid heshiis Dowladda Somalia iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen

Somaliland oo ka hortimid heshiis Dowladda Somalia iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Mashruuc looga magac daray Eng. Yariisow oo lagu dhisayo Waddooyinka Muqdisho iyo Bebera ku kala saxiixdeen Muqdisho,ayaa waxaa heshiiskaas ka horyimid maamulka Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn inay mashaariic ka fuliso deegaanada […]

- Advertisement -

Kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Mashruuc looga magac daray Eng. Yariisow oo lagu dhisayo Waddooyinka Muqdisho iyo Bebera ku kala saxiixdeen Muqdisho,ayaa waxaa heshiiskaas ka horyimid maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn inay mashaariic ka fuliso deegaanada Somaliland.

- Advertisement -

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in Midawga Yurub  iyo iyaga ay muddo badan ka wada shaqeynayeen dhameystirka Mashruuc qeyb kamid ah qankaraaska Midawga Yurub ugu talagashay Afrika.

Warka ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland oo ahaa mid aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan Wasaarada qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, si wadajir ah ugu saxiixdeen heshiis ah 23 Milyan Yuuro oo midawga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

- Advertisement -

Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose.

Hoos Akhriso  War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland.

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories