HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari Muqdisho ku dilay Arday

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari Muqdisho ku dilay Arday

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo […]

- Advertisement -

26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay.

- Advertisement -

Isla xilligii  uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka.

Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

- Advertisement -

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay  Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories