HomeWararHowlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowhar

Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen Afarta xaafadood ay ka kooban tahay Jowhar,waxaana inta uu socday Ciidanka ay baaritaano ku sameeynayeen Guro ku yaalla halkaas. Dad […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen Afarta xaafadood ay ka kooban tahay Jowhar,waxaana inta uu socday Ciidanka ay baaritaano ku sameeynayeen Guro ku yaalla halkaas.

- Advertisement -

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in xalay mararka qaar ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay ridayeen Ciidanka amniga,waxaana sidoo kale baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee xiligaas isticmaalayay Wadooyinka Jowhar.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Ciidamada ay galeen hotelo dhowr oo ku yaalla halkaas,isla markaana ka sameeyay howlgal qorsheysan.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegayam in howlgalka lagu qabtay dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Hirshabeelle ay uga hadlayan howlgalkii xalay ka sameeyay Magaalada Jowhar iyo dadkii ay kusoo qabteen.

Si kastaba Howlgalka xalay la sameeyay Jowhar ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo habeenadii la soo dhaafay halkaas ay ka dhacayeen falal amni daro,kuwaasi oo qaarkood geystay Khasaaro dhaawac ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories