HomeMaqalDhageyso:-Guddoomiye Tuulax oo ka hadlay Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj oo ka...

Dhageyso:-Guddoomiye Tuulax oo ka hadlay Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj,kaasi Jugtiisa laga maqlay Xaafado badan oo ku yaalla Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,isla markaana waxaa uu ahaa mid lagu waday Mooto Bajaajta sida ay sheegeen Saraakiisha hay’addaha […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj,kaasi Jugtiisa laga maqlay Xaafado badan oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,isla markaana waxaa uu ahaa mid lagu waday Mooto Bajaajta sida ay sheegeen Saraakiisha hay’addaha amniga dowladda.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuux iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa kormeer ku tegay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas la doonayay in lagu dhibaateeyo ummada Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Miuqdisho,hayeeshee Darawalkii Mootada bajaajta ay kula qaraxday Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,isla markaana uu ku geeriyooday ruuxii saarnaa oo kaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Tuulax ayuu sheegay in Ciidanka amniga ay markii hore ay istaajiyeen Mootada,balse daqiiqado kadib ay qaraxday,isagoo xusay in Mootada uu saarnaa Dharka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Bac lagu soo riday.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari,kaasi oo ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories