HomeWararCiidanka Dowladda oo la wareegay deegaano Cusub

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaano Cusub

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Qorsheeysan ka sameeyay Degmada Jamaame iyo Deegaano hoos yimaado ujeedka howlgalka ayaa ahaa in sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka Xoogga ayaa Al-shabaab ka saaray Degaano Dhowr ah oo hoosyimaado Magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose Degaanadaasi oo ay kamid yihiin Xeyneeroow, Soomareey,Janaanle […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Qorsheeysan ka sameeyay Degmada Jamaame iyo Deegaano hoos yimaado ujeedka howlgalka ayaa ahaa in sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga ayaa Al-shabaab ka saaray Degaano Dhowr ah oo hoosyimaado Magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose Degaanadaasi oo ay kamid yihiin Xeyneeroow, Soomareey,Janaanle Jaay, iyo Yiideey,

- Advertisement -

Inta howlgalka uu socday ayaa Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ay sheegeen inay dileen 6 dagaalyahano oo Al-shabaab,isla markaana gacanta ay ku dhigeen xubno kale oo nool oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Taliyaha Qeeybta 43aad Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Maxamed Maxamuud Bogmadow oo lahadlay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in dagaalamayaasha nolosha ay ku hayaan ay usoo gudbiyeen goobo loogu talagalay islamarkaasna kuwa dhaawaca ah la daaweeynayo.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalada ay ka socdaan Gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo dhawaan laga saari doono Degaanada Al-shabaab .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories