HomeWararCiidamo ka tirsan kuwii la geeyay Dhuusamareeb oo xoog ku galay dhismo...

Ciidamo ka tirsan kuwii la geeyay Dhuusamareeb oo xoog ku galay dhismo ku yaalla halkaas

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Soomaaliya geysay halkaas ay Maanta xoog ku galeen dhisamaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug. Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug  ay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Soomaaliya geysay halkaas ay Maanta xoog ku galeen dhisamaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug  ay yihiin kuwii dhawaan halkaas la geeyay ,waxaana Dhismahaas ka Agdhow dhismayaasha ay degan yihiin Madaxda Xukuumadda Galmudug iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca.

- Advertisement -

Ciidanka halkaas galay ayaa waxaa Saraakiisha hogaamineysa ay sheegeen in ay sugayaan Ammaanka Xarunta Shiirkole oo uu ka dhacaayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,isla markaana ay doonayan inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Xaruntaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Saraakiisha Ciidanka dowladda ee galay Xarunta Wasaaradda Biyaha Galmudug ay u tageen Madaxda Xukuumadda Galmudug Shekh Shaakir iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas,iyagoona Ciidanka ka dalbaday inay baneeyan Xarunta,hayeeshee ay arrintaas iska diideen Ciidankii galay Xarunta Wasaaradda Biyaha.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo ay uga hadlayo wararka sheegaya in Ciidamo dhawaan la geeyay Dhuusamareeb ay xoog ku galeen Xarunta Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories