HomeWararAmnesty International oo War ka soo saartay Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland

Amnesty International oo War ka soo saartay Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan. Hey’adda Amnesty International ayaa Xarigii Wasiir Janan ku tilmaamtay inuu yahay taallo muhiim ah,kaasi oo geystay xadgudubyo dhanka baniaadanimada oo ka dhacay Degmada Dowlow iyo deegaano kale oo ka […]

- Advertisement -

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan.

Hey’adda Amnesty International ayaa Xarigii Wasiir Janan ku tilmaamtay inuu yahay taallo muhiim ah,kaasi oo geystay xadgudubyo dhanka baniaadanimada oo ka dhacay Degmada Dowlow iyo deegaano kale oo ka tirsan ee Gobolka Gedo.

- Advertisement -

Sidoo kale Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday  waxaana ay ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad rayid ah la soo taago.

“Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan,xili uu kusii jeeday Addis Ababa.

- Advertisement -

Dhinac kale Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Janan loo heysto dembiyo kala duwan uu horey u galay,isla markaana lagu baaritaano kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories