HomeWararXukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Xariga Wasiirka amniga Jubbaland

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Xariga Wasiirka amniga Jubbaland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan,xili uu Muqdisho Transit uga ahaa Magaalada Addis Ababa. Xariga Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal,waxaana uu […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan,xili uu Muqdisho Transit uga ahaa Magaalada Addis Ababa.

Xariga Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal,waxaana uu sheegay in uu galay danbiyo kala duwan.

- Advertisement -

Sidoo kale Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa waxaa uu tilmaamay in Cabdirashiir Janan uu galay demiyo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo,halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

War qoraal uu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku shaaciyay in Wasiirka amniga Jubbaland ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi barista ee CID-da.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kal horey laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories