HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Sawirro:-RW Kheyre oo kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda.

- Advertisement -

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories