HomeWararSawirro:-Ergada Cadaado oo gaartay Magaalada Dhuusamareeb

Sawirro:-Ergada Cadaado oo gaartay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaartay Ergada Degmada Cadaado uga qeyb galeysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Ergada kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Waxgaradka, Eegadii Horay Dhuusamareeb u tegtay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaartay Ergada Degmada Cadaado uga qeyb galeysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Ergada kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Waxgaradka, Eegadii Horay Dhuusamareeb u tegtay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Degmada Cadaado sida ay u aqbaleen casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Kal hore ayaa Waxgaradka Degmada Cadaado ay iska diideen inay ka qeyb galaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Gogashiisa ay taallo Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku sugan inta badan Ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi dhawaan lagu wado inuu furmo.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories