HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay,kadib Safarkii Japan

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay,kadib Safarkii Japan

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama.ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7). ‪Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu […]

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama.ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7).

‪Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay halkaasi ku sugnaayeen.

- Advertisement -

Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay safarkii ay ku tageen Dalka Jabaan, iyagoo sidoo kale la kulmay intii ay halkaasi ku sugnaayeen madax ka tirsan Banggiga Adduunka qeybtiisa Afrika, iyagoo ka wada hadlay dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto dib u habaynta maaliyadda , deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories