HomeWararXildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Eedeyn u jeediyay Dowladda

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Eedeyn u jeediyay Dowladda

Date:

Related stories

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay Ciidamo Booliska geyneysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa arrintaas la hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu dowladda ku eedeeyay in qalqal siyaasadeed ay ka wado Dhuusamareeb,isagoo sheegay in […]

- Advertisement -

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay Ciidamo Booliska geyneysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa arrintaas la hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu dowladda ku eedeeyay in qalqal siyaasadeed ay ka wado Dhuusamareeb,isagoo sheegay in arrimaha ka socda halkaas ay yihiin kuwa afduub siyaasadeed ah.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Idiris ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo sugi waaye amniga Caasimadda,isla markaana aan tigi kari Suuqa Xoolaha iyo meelo oo muhiim ah la geeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah.

“Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro”ayuu yiri Xildhibaan Xidiris Ganey.

Hadalka Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadaya,iyadoo dowladda Soomaaliya todobaadkii la soo dhaafa Ciidamo Boolis ah ku daabushay Dhuusamareeb,kuwaasi oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaas,isla markaana ay ka qeyb tahay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories