HomeWararWasiirka amniga Jubbaland oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Wasiirka amniga Jubbaland oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,kadib markii uu soo gaaray Muqdisho. Warar ay heshay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiir Janan xiliga la qabanayay uu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uuna ka yimid Kismaayo,isla markaana kusii […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,kadib markii uu soo gaaray Muqdisho.

Warar ay heshay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiir Janan xiliga la qabanayay uu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uuna ka yimid Kismaayo,isla markaana kusii jeeday Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Horey ayaa Booliska Soomaaliya waxaa uu Cabdirashiid Nuur Janan ugu soo oogay dembiyo kala duwan,isla markaana waxaa la sheegay in uu jiray amar lagu bixiyay in la soo qaban karo,sidoo kalena la horkeeni karo Maxkamad.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kal horey laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories