HomeWararSawirro:-Somalia iyo Midowga Yurub oo kala Saxiixday Mashruuc lagu dhisayo Waddooyinka Muqdisho...

Sawirro:-Somalia iyo Midowga Yurub oo kala Saxiixday Mashruuc lagu dhisayo Waddooyinka Muqdisho & Bebera

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow […]

- Advertisement -

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

- Advertisement -

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir.

Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories