HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Japan

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Japan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe.

Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka.

“Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.”

- Advertisement -

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen.

Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories