HomeWararSawirro:-Banaanbaxa looga soo horjeedo DFS ee ka socda Kismaayo oo xoogeystay

Sawirro:-Banaanbaxa looga soo horjeedo DFS ee ka socda Kismaayo oo xoogeystay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa sii xoogeystay Dibadbaxyada looga horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ,kaasi oo ay dhigayaan boqolaal shacab ah. Boqolaal shacab oo isugu jira Odayaal,Dhalinyaro iyo Haweeyn ayaa isugu soo baxay bartamaha Kismaayo,kuwaasi oo aad uga careysan Go’aankii dowladda ee ahaa in diyaaradaha ka yimaada […]

- Advertisement -

Waxaa sii xoogeystay Dibadbaxyada looga horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ,kaasi oo ay dhigayaan boqolaal shacab ah.

Boqolaal shacab oo isugu jira Odayaal,Dhalinyaro iyo Haweeyn ayaa isugu soo baxay bartamaha Kismaayo,kuwaasi oo aad uga careysan Go’aankii dowladda ee ahaa in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale Dadweynaha dibadbaxa dhigayay ayaa socod dheer ku soo maray wadada halbowlaha u ah Kismaayo,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid ah yihiin  “Go’doomin Gobol guul miyaa” iyo kuwo kale oo ah “Diyaarad joojin Dowladnimo miyaa” iyo “Federaalka faham buu kaa rabaa”.

Waxaa xiran dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga eek a jiray Kismaayo,waxaana xaalada ka jirta halkaas ay tahay Maanta mid aada u kacsan sida dad goobjoogayaal ay soo sheegayaan.

Si kastaba Banaanbaxaan ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo aadayaa,kadib markii Khamiistii la soo dhaafay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories