HomeWararFaah faahin:-Weerar Bam Gacmeed ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Faah faahin:-Weerar Bam Gacmeed ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaaday Saldhig Ciidanka Booliska Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar. Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Weerarka kadib la maqlay rasaas xoogan ay rideen Ciidanka Booliska Hirshabeelle […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaaday Saldhig Ciidanka Booliska Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Weerarka kadib la maqlay rasaas xoogan ay rideen Ciidanka Booliska Hirshabeelle ee ku sugnaa Saldhiga la weeraray.

- Advertisement -

Sidoo kale Weerarka Bam gacmeedka ahaa  ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro,waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidankii ku sugnaa Saldhiga iyo qof shacab ah oo xiligaas marayay wadada,waxaana dhaawacooda uu yahay mid fudud.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan weerarkii Bam gacmeedka ahaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Booliska maamulkaas ay leeyihiin Xaafadda Horseed ee Jowhar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories