HomeWararDaawo:-Sidee Ciidanka AMISOM loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb?

Daawo:-Sidee Ciidanka AMISOM loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb?

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaasoo uu  ugasii horeeyey Taliyaha guud ee Amisom. Ciidamadan  oo ka socda  Dalka Jabuuti kana qaybta  ah Howlgalka AMISOM ayaa waxaa soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka,   Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaasoo uu  ugasii horeeyey Taliyaha guud ee Amisom.

Ciidamadan  oo ka socda  Dalka Jabuuti kana qaybta  ah Howlgalka AMISOM ayaa waxaa soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka,   Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada deegaanka  kuwaasoo  uga hortagay duleedka Dhuusamareeb, waxaana haatan garoonka kubadda cagta ee dhuusamareeb ka socota Munaasabad lagusoo dhaweynayo.

- Advertisement -

Ciidamada ayaa xalay  soo maray Magaalada Guriceel iyagoo  ugasii ruqaansaday Magaalada  Dhuusamareeb,  Halkaasoo ay ka  socdaan Howlo loogu gogol xaarayo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamadan AMISOM ayaa waxay  sheegeen  in Ciidamadan ay ka qayb qaadanayaan Sugida Amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadan inta ay joogaan ay ka qeybqaadan doonnaan Howlo muhiim oo dhinaca Amniga la xiriira.

- Advertisement -

“Ciidamada walaalaheen ee hiil-walaal ee ka socda dalka Jabuuti hadana u yimid inay naga caawiyaan arimaha Amniga, shirarka socda, iyo la dagaalanka Al-shabab intuba waxaan rajeynayaa inay si fiican noogala  shaqeeyaan, si waynna waan usoo dhaweyneynaa waana ku faraxsannahay inay noo imaadaan” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 21 aad ee Ciidamada Xooga Dalkeenna  Gen Cabdicasiis  Cabdullaahi Qooje oo ka hadlayey goob fagaara ah oo Ciidamadaas lagusoo dhaweynayey

Dhinaca kale  Shirkii Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb iyadoo badi ay halkaas gaareen  Ergooyinki loo qorsheeyey inay shirkaas ka qeybgalaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories