HomeWararWararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Dhuusa-Msareeb

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Dhuusa-Msareeb

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa deggan xaaladda magaalada Dhuusa-Mareeb kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen dibadbaxyo iska soo hor jeeda kuwaas oo kala taageersan dowladda iyo maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca. Magaalada ayaa xalay ku waa bariisatay jawi nabad gelya ah waxaana xasilooni laga dareemayaa xaafadaha kala duwan in kasta oo ay dad badani shalay iskugu soo baxeen qeybaha magaalada. […]

- Advertisement -

Waxaa deggan xaaladda magaalada Dhuusa-Mareeb kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen dibadbaxyo iska soo hor jeeda kuwaas oo kala taageersan dowladda iyo maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca.

Magaalada ayaa xalay ku waa bariisatay jawi nabad gelya ah waxaana xasilooni laga dareemayaa xaafadaha kala duwan in kasta oo ay dad badani shalay iskugu soo baxeen qeybaha magaalada.

- Advertisement -

Dibadbaxyadu waxa ay ka dambeeyeen kadib markii labada dhinac eek ala ah Ahlu-sunna iyo dowladdu ay isku eedeeyeen in midba midka kale uu jebiyay qodobadii ku qornaa heeshiis ay wada gaareen.

Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa shaacisay in uu bur-buray heshiiskii ay la gakleen dowladda markii ay dhaqan geli weysay sida ay sheegeen amni darrana ka abuurtay magaalada Dhuusa-Mareeb iyaga oo xaqiijiyay in ay la dagaalamayaan ciidamada dowladda hadii laga fursan waayo sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca klaana dowladda fedraalka Somalia gaar ahaa wasaaradda arrimaha gudaha ayaa iyana sheegtay in uu cadyahay heshiiska ay la galeen dowladda Ahlu-sunna isla markaana uu ka koobanyahay 10-qodob oo oo uu saxiixay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo Cabdi Maxamed Sebriye oo ah wasiirka arrimaha gudaha hase’ahaatee dhinaca Ahlu-sunna uu ka socon wayay heshiisku.

- Advertisement -

Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa shalay waxaa ka dhacay kulamo aan loo kala kicin kuwaas oo looga hadlayay mustaqbalka Galmudug gaar ahaana kan magaa,.ada Dhuusa-mareeb.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaabnka culumaa’udiinka Ahlu-sunna ay ogolaadeen in shaqada dowladda loo madax banaaneeyo isla markaan sidiisii uu ahado heshiiska laba dhinac waxna aan laga bedelin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories