HomeWararSawirro:- Duqa Muqdisho oo isaga oo wata Ilaalo xoog leh la kulmay...

Sawirro:- Duqa Muqdisho oo isaga oo wata Ilaalo xoog leh la kulmay ku xigeenadiisa

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Cumar Finish ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenadiisa iyo sarakiisha ammaanka  isaga oo ay dhinacyadiisa ay taaganyihiin ilaalo gaar ah oo ka badan kuwii ilaalin jiray AUN Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan oo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Finish ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenadiisa iyo sarakiisha ammaanka  isaga oo ay dhinacyadiisa ay taaganyihiin ilaalo gaar ah oo ka badan kuwii ilaalin jiray AUN Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar lagu qaaday xafiiskiisa.

- Advertisement -

Marka laga soot ago ilaalada dhinacyadiisa iyo gadaashisa taagan duqa Muqdisho waxaa jiray ilaalo kale oo xoog leh kuwaas oo la dhigay ilinka laga soo galo xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana uu u muuqdaa in wax badan uu iska bedelayo ammaanka xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu weday in ilka la wareego habeen ka hor hase’ahate warar lagu kal soonaan karo ayaa xaqiijinaya in sababo amni dib loogu dhigay.

Dareen ammni oo xoog leh ayaa ka jira xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana su’aalo badan ay dul huwanayaan sida ay u wada shaqeyn karaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha iyo ciidamadii horay  u joogay xarunta maamulka gobolka.

- Advertisement -

24- July ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay hoolka lagu shiro ee xarunta gobolka Banaadir kaas oo ay ku geeriyoodeen guddoomiyaal degmo Agaasimayaal sidoo kalan ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo maalma kadib u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories