HomeWararMadaxweynah Galmudug oo ka hadlay shaqada dowladda ay ka waddo Dhuusa-Mareeb

Madaxweynah Galmudug oo ka hadlay shaqada dowladda ay ka waddo Dhuusa-Mareeb

Date:

Related stories

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo kaas oo ay ka qeybgelayaan xildhibaano ka tirsan labada aqal oo ka soo jeeda halkaa madaxweynayaashii soo maray maamulka Galmudug iyo odayaal dhaqan. Khudbadda madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka jeediyay halkaas ayuu uga hadlay arrimo badan oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo kaas oo ay ka qeybgelayaan xildhibaano ka tirsan labada aqal oo ka soo jeeda halkaa madaxweynayaashii soo maray maamulka Galmudug iyo odayaal dhaqan.

Khudbadda madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka jeediyay halkaas ayuu uga hadlay arrimo badan oo quseeya Galmudug si gaar ah waxa uu u soo hadl qaaday in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha dega Galmudug,sidoo kalana la gaarsiiyo gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa ka hadlay heshiiskii dhex maray dowladda iyo isaga oo khilaaf dheer uu ka dhaxeeyay waxaana uu tilmaamay in laba bil ka hor dowladda uu ka aqbalay in la dhameeyo khilaaf soo kala dhex galay madaxda Galmudug si gaarana uga taagnaa Cadaado,Dhuusa-Mareeb iyo deegaano kale.

Dowladda Somaliya waxa uu caddeeyay in ay shaqo ka bilowday magaalada Dhuusa-Mareeb hase’ahaatee ay soo baxeen dul-duleelo iyo kala shaki Ahlu-sunna iyo dowladda ah.

Galmudug waxa uu sheegay in ay noolyihiin madaxdeedii isla markaana looga fadhiyay dowladda isku soo dhaweyn dadka dhexdiisa ah iyo dib u heshiisiin laga sameeyo galmudug,isaga oo sheegay in ay noolyihiin Wasiiradii iyo madaxdii kale ee Galmudug talada ay wax ku leeyihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories