HomeWararMadaxtooyada Somalia oo ka hadashay go'aan ka soo baxay QM

Madaxtooyada Somalia oo ka hadashay go’aan ka soo baxay QM

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah. “Shabaab waa urur argagisixo […]

- Advertisement -

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah.

- Advertisement -

“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

“Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur.

- Advertisement -

Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories