HomeWararSawirro:-Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galaya Sacuudiga

Sawirro:-Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galaya Sacuudiga

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xalay waxaa gaaray  wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Wafdiga ka socday dowladda ee Sacuudiga gaaray ayaa waxaa hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan,waxaana Garoonka diyaaradaha Jeddah kusoo dhaweeyay Siihayaha ahna kuxigeenka Ergayga Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka […]

- Advertisement -

Magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xalay waxaa gaaray  wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ka socday dowladda ee Sacuudiga gaaray ayaa waxaa hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan,waxaana Garoonka diyaaradaha Jeddah kusoo dhaweeyay Siihayaha ahna kuxigeenka Ergayga Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Ujeedka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha u tegay dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shirkii labaad ee Amniga Cuntada Wadamada Islaamka oo ka furmay Magaalada Jeddah.

Sidoo kale Xaamud Cali Xasan inta uu ku sugan yahay Jeddah ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa shirka Wasiirada Beeraha Wadamada Islaamka oo ka furmaya halkaas,waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Amniga Cuntada Wadamada Islaamka (IOFS).

Shirka ayaa ka qeyb galaya Siihayaha ahna ku xigeenka Ergayga Joogtaada u fadhiya Soomaaliya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Cabdiraxiin Cusmaan Cilmi iyo Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada JFS u fadhiya Ururka iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Maxamuud Cumar Maxamuud.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories