HomeWararSawirro:-Ergada D/Ceeldheer ee ka qeyb galeysa Dib u heshiisiinta Galmudug oo gaartay...

Sawirro:-Ergada D/Ceeldheer ee ka qeyb galeysa Dib u heshiisiinta Galmudug oo gaartay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug. Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda […]

- Advertisement -

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug.

Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.

- Advertisement -

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories