HomeWararMadaxweyne Xaaf oo Safar aan la shaacin ku gaaray Magaalada Hobyo

Madaxweyne Xaaf oo Safar aan la shaacin ku gaaray Magaalada Hobyo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ,iyadoo halkaas lagu siweyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xaaf ayaa safarka uu ku tegay Hobyo waxaa uu ahaa mid aan horey loo sii shaacin,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ,iyadoo halkaas lagu siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa safarka uu ku tegay Hobyo waxaa uu ahaa mid aan horey loo sii shaacin,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda halkaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada

Axmed Ducaale Geelle ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho oo ku sugnaa tan iyo markii uu heshiiska la galay dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana Mas’uuliyada Galmudug ku wareejiyay Xukuumadda.

Sidoo kale inta uu hobyo sugan yahay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo xiro Shir maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaaladaas..

- Advertisement -

Ammaanka Guud ee Magaalada Hobyo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana halkaas la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories