HomeWararDhageyso:-Wasiir Sabriye “Ahlusunna ayaa Mas’uul ka ah Fashilka heshiiskii Dowladda Federaalka”

Dhageyso:-Wasiir Sabriye “Ahlusunna ayaa Mas’uul ka ah Fashilka heshiiskii Dowladda Federaalka”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen. Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay

- Advertisement -

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Si kastaba War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu shaaciyay inuu gabe ahaan burburay Heshiis u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljameeca,waxaana shacabka reer galmudug Ahlusunna ay ugu baaqday inay isku diyaariyaan difaaca dadkooda,dalkooda,naftooda iyo diintooda.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories