HomeMaqalDhageyso:-Ergada Beesha Mudulood oo u ambabaxday Dhuusamareeb

Dhageyso:-Ergada Beesha Mudulood oo u ambabaxday Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa u ambabaxay Ergada Beesha Mudulood uga qeyb galeysa Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Ergadan oo ka kooban 47 xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo,waxaana Goordhaweyd ay ka ambabaxeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Suldaan Cabdi Shiddo oo la hadlay Idaacada Dalsan xili uu […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa u ambabaxay Ergada Beesha Mudulood uga qeyb galeysa Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Ergadan oo ka kooban 47 xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo,waxaana Goordhaweyd ay ka ambabaxeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Suldaan Cabdi Shiddo oo la hadlay Idaacada Dalsan xili uu ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay Dhuusamareeb u ambabaxeen Ergada Beesha Mudulood uga qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo gogashiisa ay taallo halkaas.

Sidoo kale Suldaan Cabdi Shido ayaa waxaa uu sheegay in Ergadan ay Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ku matali doonaan beelaha dega deegaanada Bariga Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa taalla Gogosha Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ,kaasi la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si ay uga wada hadlaan qorshaha dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhanyahay.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Suldaan Cabdi Shiddo.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories