HomeWararAkhriso:-Madaxweyne Xaaf oo todobaad kadib u hambalyeeyay Axmed Madoobe

Akhriso:-Madaxweyne Xaaf oo todobaad kadib u hambalyeeyay Axmed Madoobe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo todobaadkii la soo dhaafay lagu doortay Magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo Taariikheysnaa 22-kii Bishaan Agoosto 2019 ayaa hambalyo iyio bogaadin loogu diray Axmed Madoobe,Guddiga Doorashada iyo shacabka reer […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo todobaadkii la soo dhaafay lagu doortay Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo Taariikheysnaa 22-kii Bishaan Agoosto 2019 ayaa hambalyo iyio bogaadin loogu diray Axmed Madoobe,Guddiga Doorashada iyo shacabka reer Jubbaland.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ugu baaqay inay ka wada shaqeyaan sidii loo xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay labada dhinac.

Doorashadii Madaxweynaha Jubbaland ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo ka dhacday 22-kii Bishaan,waxaana hambalyada Madaxweyne Xaaf ay timid,kadib markii Maanta uu gaaray Magaalada Hobyo,isagoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

 Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories