HomeWararSawirro:-Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Sawirro:-Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaas siweyn lagu soo dhaweeyay. Wafdigan ka socday ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Cadalada iyo Garsoorka Dowlada federaalka Somaliya Xasan Xuseen Xaaji,isla markaana waxa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno isugu jira Wasiiro xildhibaan mamulka Gobolka […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaas siweyn lagu soo dhaweeyay.

Wafdigan ka socday ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Cadalada iyo Garsoorka Dowlada federaalka Somaliya Xasan Xuseen Xaaji,isla markaana waxa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno isugu jira Wasiiro xildhibaan mamulka Gobolka Baay iyo Mas’uuliyiin kale .

- Advertisement -

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahadceliyay soo dhaweeyn ay u sameeyeen.

Wasiir  Xasan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo in wax badan  ka qaban doonaan Arimaha Garsoorka iyo Cadaalada,isagoo xusay in halkaas laga dhisi Doono Saldhiga Dhexe ee Maxaabista.

Intaas ka dib Masuuliyiinta ayaa kormeerey Xarunta lagu dhisaayo Xabsiga waxayna indho indheeyey Suurtagalnimada in ay qaadayso goobaha kala duwan ee loogu talagalay Xabsiga.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories